|

Tarsan oo xilkii laga qaaday iyo Guuddomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir

Muqdisho Feb 27,2014(SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiye
aha Gobolka Banadir isla markaana ah duqa magaalada muqdisho maanta u magacaabay Sarreyo Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Madaxweynaha ayaa wareegto ku sheegay in uu xilkaa u magacaabay Md Muungaab ka dib wada tashiyo uu la yeeshay Raiisul wasaaraha dalka iyo wasiirka amniga.

Xilalka haatan Muungaab loo magacaabay ayaa waxa hore u hayay oo isla digreetadana loo qaaday Md Maxamed Nuur Tarsan.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan gelayaa shaacinta xeerkan ka dib.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed