|

Tarsan iyo Wadaad Reer Somaliland ah Oo Iskaga Dhex Hanjabay Barnaamij ay Ka Wada Qaybgaleen

London:July,05,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur(tarsan) iyo Sheekh Maxamed Cabdi Cara boo ka mid ah Culimada waaweyn ee Reer Somaliland ayaa Maalintii shalay Barnaamin Idaacadda BBC-da ka Baxay isku weydaarsaday Erayo dhiif leh.

lan wadLabadan nin ayaa si wada jir ah idaacadda Bbc-du ugu casuuntay Barnaamijka Doodda Jimcaha Baxa ee “Maxay kula taay”, waxana ay Halkaas iska weydaarsadeen Erayo kooban oo Hanjabaad iyo yasid iskugu jira.

Daadihiyihii Barnaamijkaas oo ahaa Cabdinuur Sheekh Maxamed Isaxaq, ayaa su’aal  uu weydiiyey sheikh Maxamed Cabdi carab oo uu jawaabteed ka warwareegay ka dhex galay, isla-markaana si lama filaan ah ugu tilmaamay wadaadka mid ka baqanaya kooxaha Al-shabaab oo falalka ay muqdisho ka wadaan ay dooddu gashay.

Su’aasha ayaa ahayd  sideed u aragtaa  in karaamada iyo sharafta bisha ramadaan laga  dhigo dagaal iyo inn la laayo dad sooman oo aan waxba galabsan, waxana Hordhac badan su’aashaas ku galay sheekha oo la weydiiyey.

Mudane Tarsan ayaa markii uu arkay inaanu wadaadku wali si sax ah u abaarin Su’aashii la weydiiyey soo dhex galay, hadalka, isla-markaana si kedis ah u yidhi wadaadku wuu  “baqanayaaye iska dhaaf”, taas oo keentay inuu sheekhuna dhibsado Hadalkaas oo uu jawaabo kale Bixiyo.

Sheekh Maxamed Cabbdi carab, ayaa isaguna markii uu Hadalkaas maqlay soo booday oo sharraxaad dheer Ka Bixiye Goobta uu ku nool yahay oo Hargeysa ah iy Nabadda iyo ammaanka yaalla  oo  keenaya innaanay cidina Hargeysa Dhexdeeda kaga  baqanin  shabbaabka uu tarsan sheegayo.

Daqiiqad Gudaheed ayuu Haddana Tarsan wadaadkii ka Daba Geeyey Hadal kale oo ahaa in Shabaabkaba Hargeysa laga soo Kexeeyey oo sidaa Xamar Lagu Geeyey, isagoo Hadalkiisana sidan u dhigay,”Adigaa Noo Keenay Shabaabka”, balse Sheekha oo u muuqday mid aan Hadalkaas dambe maqlaynin ayaan markaa wax jawaab ah bixinin.

Labada Nin ayaa  intaas wixii ka dambeeyey aan iskaga hor iman dooddooda, waxana ay Barnaamijka u sii wateen Si Habsmi ah, iyadoo aanu jirin wax iska HOrimaad ah oo mar dambe ku dhex maray Cod-baahiyayaashii ay isticmaalayeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed