Tarsan:Abuu Zubeer iyo Cali dheere waa kuwa marin habaabiyay dhalinyarada Soomaaliyed
Muqdisho Dec 13, 2011(qurbejoog.com)- Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaailya ayaa shaaca ka qaaday in Magaalada Muqdisho ay kusoo bateen dadka cadowga ah, iyadoo dhinaca Maamulka uu si kulul u weeraray Al Shabaab.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo ku aadan xaaladaha Muqdisho.
Max’ud Axmed Nuur ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay kusoo badanayaan dadka cadowga ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in laga hortago cadowgaasi oo uu sheegay inay ku dhex jiraan dowladda KMG Soomaaliya.
Tarsan ayaa waxaa uu sheegay in hogaamiyaha Al Shabaaab ee Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr iyo Afhayeenka Ururkaasi Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere) ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku marin habaabiyeen in dadku ay dilaan amma in iyagu la dilo, wuxuuna taasi darteed uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in laga hortago arrimahaasi.
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ugu baaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir ee dowladda KMG inay la wada shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago falal ammaan dari oo ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Horey ayaa Maamulka gobolka Banaadir wuxuu u shaaciyay in loo baahanyahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqisho, waxaana maalmihii u dambeeyay Muqdisho kusoo badanayay miinooyinka iyo bambaanooyinka lagu weerarayo Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha dowladda Federalka KMG Soomaaliya.
Qurbejoog-Muqdisho