Tariikhdii Nololeedkii Fanaanadii Shamis Abokor Guduudo Carwo oo Hargaysa Lagu aasay DAAWO
Hargaysa 09. December 2017 (SDN/QJ):-Shamis Abuukar ayaa ku dhalatay deegaan xeebeedka Conqor oo dhanka bari kaga beegan Magaalada Berbera sanadkii 1935, Waxanay kusoo kortay Magaalada Berbera sanadihii hore nolosheeda waxaanay Fanka ku soo biirtay taariikhdu markey aheyd 1952kii oo markii ugu horeysay codkeeda laga maqlay Radio Hargeysa.
Xilligii ay Guduudo Carwo billowday in ay heesto, dumarka kumaysan dhiiran jirin fanka iyo ka hadalka idaacadaha.
Doorka Dumarka ee Ruwaayadihii xilligaa iyo Heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abokar billaabin heesaha, maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.
Guduudo Carwo ayaa ahayd gabadhii ugu horeysay ee af soomaali ku heesta qiyaastii 1950-aadkii, wakhtigaasi oo soomaalidda dhexdeedda fanku ceeb ku ahaa, waxaanay noqotay hooyadda hablaha fanaaniinta ah.