Tanzania oo ku soo biirtay wadamada dalkooda lagu Maxkamadeyn karo Burcad badeeda ay soo qabtaan Ciidamada EU
Dari Salam March 07 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Tanzania Jakaya Mrisho Kikwete, ayaa sheegay in dowladiisa ay maxkamadeynayso kooxaha burcad badeeda Soomaaliya kuwaasi oo laga qabto xeebaha badweynta India.
Isaga oo ka jawaabayay su’aalo wariyaasha ay weydiinayeen ayuu ku sheegay madaxweynaha in dalkiisa uu leeyahay garsoorayaal wanaagsan kuwaasi oo maxkamadeyn kara kooxaha burcad badeeda Soomaaliya.
Waxaana uu sheegay in dalka uu u baahan yahay in horumarinta dhanka maxaabiista ah kuwaasi oo la jaanqaadi kara xeerarka caalamiga ah, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha dalkaasi Tanzania ayaa xiligii uu jeedinayay hadalkaan waxaa goobjoog ahaa shirkiisa jaraa’id ra’iisul wasaaraha dalka Denmark, haweenayda lagu magacaabo Helle Thorning-Schmidt.
Kahor inta shirka jaraa’id aysan qaban labada mas’uul madaxweynaha Tanzania iyo ra’iisul wasaaraha dalka Denmark waxay goob joog u ahaayeen saxiixa heshiis labo geesood ah.
Waxaana heshiiska qeyb ka ahaa xaalada iyo is dhaafsiga kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Madaxweyne Kikwete ayaa qiray in heshiiskaasi uu ahaa mid wanaagsan kaasi oo muujinaya xaqiiqada hogaanka dagaalka ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo hubinta taageerada awooda maxkamadaha iyo xabsiyada dalka Tanzania.
Heshiiska labada dowladood ayaa yimid ayadoo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay u muuqdaan inay yareeyeen weeraradii ka dhanka ahaa maraakiibta iyo doomaha isticmaalaya xeebaha badweynta India iyo meelaha ka baxsan, oo ay ka qaadan jireen malaayiin doolar oo madax furasho ah.
Madaxweynaha dalka Tanzania Kikweta ayaa sheegay inay u baahan yihiin in lagu taageero qalabka casriga ah kaasi oo u sahlaya inay kula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda ah.
Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha Denmark ayaa sheegtay in dalka Tanzania uu yahay dal dhaqaalihiisa uu soo korayo, ayna kala shaqeyn doonaan dhanka horumarka, xuquuqda dumarka, arimaha dhaqaalaha iyo la dagaalanka burcad badeeda.
SDN-Dari Salam