Tansaaniya oo Kaalin Sare Ka gashay Horumarinta Ganacsiga 2017 (Warbixin)
Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Dalka tansaniya ayaa horukac balaadhan ka sameeyey dhanka horumarinta ganacsiga isagoo qiimayntii la sameeyey dhowaan ka helay dhibco gaadhaya 54.48
Sida ku cad warbixinta loogu talogalay sanadka 2017 ee baanka adduunka ee ka hadlaysa heerka baayacmushtarka caalamka, dalka Tansaniya oo kor uga soo kacay kaalinta 139-aad oo ay joogtay sanadkan 2016 ayaa loo calamadinayaa inay gasho kaalinta 132-aad sanadka 2017 waxana uu kor u kacay todoba derejo waana qayb ka mid ah dadaaladaii baayacmushtar ee ay sameeyeen dalalka ka hooseeya saxaaraha Afrika.
Barney Laseko, xidhiidhiyaha xafiiska Raysalwasaaraha ee horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalkaasi tansaniya oo ka falceliyey warbixintan baanka adduunka waxa uu sheegay in xukuumda wadankiisu doonayso inay dib u habayn ku samayso saaxadda baayacmushtar ee wadanka si ay uga suurogasho marxalad hagaagsani xiliga mustaqbalka, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi sidan: ‘Xukuumdu waxay ku taagan tahay sidii ay isbedel uga samayn lahaayeen afar meelood oo xaasaasi ah oo kala ah Laysimada ganacsiga, dib u habaynta dhulka, diiwaangelinta ganacsiga iyo ganacsadayaasha waxana aanu rumaysan nahay in afartaa qaybood ay yihiin kuwa kaalinta muhiimka ah ka qaadanaya horusocod uu sameeyo baayacmushtarka Dalku’ isaga oo intaa ku daray in dawladu xidhiidh dhow kala samaynayso ganacsiga gaarka loo leeyahay sidii loo samayn lahaa deegaan ku habboon ganacsiga iyo maalgashiga guud, kaasoo dardargelin ku samaynaya horumarinta dhaqaalaha, xukuumaduna ay werwer ka qabto fulin la’aanta isbedelada ganacsi oo fure u ah sidii loogu gudbi lahaa ganacsi wershaduhu hogaaminayaan.
Madaxa iskaashatooyinka ganacsiga gaarka loo leeyahay Mr Godfrey Simbeye oo isna ka hadlay warbixinta baanka adduunka ee sheegaysa horumarka dalkaasi ka sameeyey ganacsiga waxa uu sheegay inay Tansaaniya xiligan diyaar u tahay sidii ay u soo bandhigi lahayd waxyaabo cajiib ah marka loo eego sidii ay ahayd sanadihii hore.
Warbixinta Baanka Adduunku waxay daaha ka qaaday in Tansaniya ay shaqo wacan ka qabatay ganacsiga xuduudaha isaga talaaba iyadoo kaaliyaha Xafiiska Raysalwasaaraha ee arimaha horumarinta saaxadda ganacsiga Mr Christopher Mramba uu sheegay in horumar balaadhan la sameeyey xukuumaduna ay sii wadi doonto sidii loo sii hirgelin lahaa horumarinta meelo kala duwan.
Dhanka kalena warbixintu waxa ay leedahay ugu yaraan 37 wadan oo ka mid ah 48-ka wadan ee mandaqadaa ku sugan ayaa sameeyey sanadkii la soo dhaafay ilaa sideetameeyo isbedel oo dhanka ganacsiga horumarintiisa ah.