‘’Tan iyo Markii Madaxweyne Muuse Biixi Dhismaha Xukuumadiisa Shaaciyey Waxaa Telefoonkayga soo Garaacayay Weriyeyaal I weydiinaya Sidaan u arko’’ Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta DAAWO
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani oo Kulankii Saxaafadeedkii ugu Danbeeyay ee Muddadii uu ahaa Wasiirka Wasaaradaasi Maanta ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa Sheegay in tan iyo Markii Madaxweyne Muuse Biixi uu dhismaha Xukuumadiisa Shaaciyey in Warbaahintu ay la soo Xidhiidhayeen Isla markaana ay ku wareeriyeen Siduu u arko Xulashada Madaxweynaha iyo Waxa uu dareemayo Maadaama laga Tagay.