Talyaaniga oo Shaaciyey inay Joojiyeen Maraakiibta soo Badbaadisa Dadka Muhaajiriinta ah
Roma 30. June 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada dalka Talyaaniga ayaa sheegtay inay si rasmi ah u joojisay inay dekedaheeda ku soo xidhaan maraaiibta soo badbaadisa dadka tahriibayaasha ah ee qaaradda Yurub u soo tallaabaya.
Talyaanigu waxay ku tilmaameen qulqulka tahriibayaashu inuu yahay mid aan la aqbal Karin.
Wakiilada dawlada Talyaaniga u fadhiya Midowga yurub Mario Costa ayaa isagoo ku sugan Magaalada Brusseles waxa uu sheegay in Todobaadkan gudihiisii oo keliya ay dalka talyaaniga so gaadheen tahriibayaal lagu qiyaasay illaa 10 kun oo ruux, iyagoo ka faa’iidaystay badda oo xilligab degan.
Raysalwasaarihii hore ee Dalka talyaaniga Mr Motto Rans ayaa kula taliyey dalalka midowga yurub inay yeeshaan qorshe cusub oo lau yaraynayo qulqulka qaxootiga, waxana uu sheegay in barnaaimijyo horumarineed iyo kuwo shaqo abuur oo dalalka Afrika laga sameeyaa ay qayb ka qaadan lahayd joojinta dadka soo haajiraya.