Talyaaniga oo Raysul-wasaarenimo u dhaariyay ninkii ugu da’da yaraa ee xilkaas qabta
ROME Feb.22, 2014 (SDN/AP)- Matteo Renzi ayaa Sabtidii loo dhaariyay inuu noqdo Raysul-wasaarihii ugu da’ yaraa soo mara dalka Talyaaniga.
Siday ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, Mr. Renzi oo 39-jir ahi, wuxuu balanqaaday dhismaha dawlad cusub oo xilli degen ah, kadib kacdoono siyaasadeed oo galaaftay dawladdo badan oo ka horeeyay.
Mr. Renzi wuxuu bishan ka tegay xilkiisii oo ahaa maayarka magaalada Florence, si uu u qabto shaqadiisii qaran ee u horaysay ee dawladeed oo hadda loo dhaariyay.
Wuxuu ku dhaartay qalqaalinta isbedelo doorasho oo baarlamaanka loo marayo, iyadoo rejadu tahay dhamaynta xal-u-helida degenaansho la’aanta siyaasadeed, iyadoo la yaraynayo saamaynta xisbiyada yaryar ee siyaasadda ee dalka Talyaaniga.
Ka hor dhaarintiisa, farriin uu soo dhigay bogga xidhiidhka bulshada ee Twitter, Mr. Renzi wuxuu sheegay dhammaystirka yoolkiisu adkaan karo, balse “ay samayn doonaan”.
Laakiin, marka hore waa inuu todobaadkan codka kalsoonida ka helo Baarlamaanka. Taasi maaha mid fudud, sababtoo ah; wuxuu ka cadhaysiiyay kuwo badan oo ka mida xisbigiisa Dimoqraadiyadda, kadib markii uu badhtamihii bishan February dabo-marteeyay ama xarfadeeyay Raysul-wasaaraha shaqada ka tegay Enrico Letta, taasoo lid ku ah balan ku saabsanayd inuu sugo ilaa inta la gaadhayo caadiyan doorashooyin lagu hanto madaxtinimada.
Xisbiga Democratic Party, waa kan ugu wayn ee wada-shaqayntu ka dhexayso dawladda wadaagga ah, taasoo ay ku jiraan xisbiyada yaryar, marka laga soo bilaabo kuwa Midigta Dhexe ilaa kuwa Bidixda Dhexe, kuwaasoo sidoo kale qayb ka ah isbahaysiga Mr. Letta.
Warku wuxuu intaa ku daray, in sida fudud ee uu u tegay Mr. Letta, ay u keentay Mr. Renzi saaxiibtinimo la’aan iyo is-gacan-qaad salaan hoosaysa ah oo qaadatay 20-ilbidhiqsi intii lagu gudo jiray xafladda xil-wareejinta oo ka dhacaysay Qasriga Madaxtooyada. Mr. Enrico Letta oo xilka wareejiyay, ma uu dhoola-caddaynin, sidoo kalena labadooda midkoodka ka kalena eegmo indhaha ma siinin.
Dhinaca kale, Raysul-wasaaraha 39-jir ahi waxa uu Jimcihii dhisay xukuumad wadaagga oo 16 Wasiir ka kooban, taasoo ay kala badh haween yihiin, una badan dad dhalinyaro ah — celcelis ahaana da’doodu tahay 48 sannadood.
Qurbejoog.com, Rome