Talyaaniga oo ka dalbatay Raiisul warsaare Gaas in uu gacan ka geysto siideynta markab Soomaaliya looga heysto
Rome Feb 02,2012(qurbejoog.com)-Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mario Monte ayaa ka dalbaday Raiisul wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Md Cabdiweli Gaas in uu ka hawlgalo sidii loo sii deyn lahaa markab ay BurcadĀ badeed Soomaali ahi afduubatay dhamaadkii sanadkii hore oo ay la socdeen 18 shaqaale ah
Mr Monti ayaa ka dalbaday Md Gaas”In uu qabto wax walba oo awoodiisa ah sdii loo sii deyn lahaa markabka Enrico Ievoli cargo”, oo ay la socdaan lix Talyaaniga u dhashay iyo shan reer Ukrain oo ay weheliyaan lix Hindi ah.
Raiisul wasaare Gaas ayaa dhankiisa balan qaaday in uu ka hawlgeli doono sidii markabkaa,isla markaana dawladiisu ay ka goan tahay ladagaalanka Burcada.
Markabka Talyaaniga oo ku sii jeeday Imaraadka ayay burcadu ka qabsatay xeebaha dalka Cumaan,maalmo uun ka dib mar burcadu ay sii deysay markab kale oo Talyaani ah.
Markabkan ayaa hore Burcadu ugu weerartay xeebaha dalka Yemen sanadii 2006dii,mana aha markabka keliya ee burcadu bartilmaansato oo Talyaaniga laga leeyahay.
Dalabka Raiisul Wasaaraha Talyaaniga Mr Monti ayaa ah mid dad badani la yaabeen bacdamaa lala wada socdo awooda dawladeed ee Soomaaliya ka jirta.
Qurbejoog-Rome
contact@somalidiasporanews.com