|

Talow Rintaye Maxay Dhali? Muddo kordhinti waan arkaa oo maanta way Rintaye Tolow Muddo inteeya bay Dhali? Cali Guray

Hargaysa 16. January 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa Sheegay in Marka laga qiyaas qaato in Sadexda Xisbi qaran ay Mawqif isku mid ah ka taagan yihiin in Abaarta adag ee dalka ka Jirtaa ay Sabab u noqonayso in doorashadu aanay qabsoomin ay taasi Keeni Karto in Komiishanku Soo Jeediyaan in doorashada dib loo dhigo Isla markaana Golaha Guurtidu ay Soo Jeedintaas ansixiyaan amase ay Wakhti Kale ku daraan.

Cali Guray Waxa uu Sheegay in Marka la eego Hab dhaqanka Somaliland ay Doorashadu noqon doonto Mid la qabto Bilaha September amase October taas oo ah Sida uu Xusay hadii aanay Golaha Guurtidu Odhan Inta aanu doono ayaanu Kordhinaynaa,Maadaama ay Yihiin Hay’ada qudha ee Kordhin karta dhamaadka Mudo Xileedka Golayaasha Qaranka.

Qoraal Kooban oo Siyaasi Cali Guray ku Faafiyey Degelka uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayaa u dhignayd Sidan:- ‘’Mudo Kordhin  Hadii talo aan hore u soo jeediyay ku saleeyo waxay noqonaysaa xili ahaan ilaa Guga oo April iyo May ah. Haday dhaafto sedex bilood oo Ramadaan iyo Xagaa ah baa isa saaran oo waa June, July, iyo August. Waxa laga yaabaa in sedexdaana laga dib mariyo markaa waa September ugu horayn.

Komishanku shaambadii ay doonayeen way heleen hadii ay jirto in sedexda xisbi ay isku raaceen in aanay suurtogal ahayn in doorashadu ay wakhtigeedii ku qabsoomi karto abaarta dalka ka jirta awgeed. Markaa Komishanku waxay cudurdaar u heli karaan inay doorashada cayimaan April ama May oo ah Ramadaan iyo Xagaaga ka hor ahna xiliga Guga marka Jiilaalku baxo ee Guga ay tahay. Lakiin Guurtidu maxay yeeli doontaa?

Wax walba ka yaab. Hadii ay axsaan sameeyaan waxay iyaguna odhan sedexda bilood ee xagaagana lama qaban karo. Markaa anigu waxan saadaalinayaa inay Doorashada Madaxtooyadu ku dhacayso ugu horayn aakhirka September ama horaanta Octobar. Waa hadii aan Waali-duulkii Guurtidu aanu jirin oonay odhan “Anagaa sharci u leh oo inta aanu doono kordhinayna”. Intaasina inta ay noqon Allaahu yaclam.

Comments are closed