Talooyin ku aadan Go,aan ka Mushaar dhimista Shaqaalaha Dowlada
Tan iyo burburkii 1991 Hanaanka Maamulka Maaliyada Soomaaliya waxuu ahaa mid aan cago badan ku taagneyn waayo oo ma jirin Jaangoyn waxa baxaaya iyo waxa soo gala Dalka waxaa taas sii dheer isdaba marin Saxiix gadasho iyo Danaha gaarka ah oo ka jirta Xafiisyada Qaar .
Shirki Hirgalinta Miizaaniyada ee 6da Bil ee ugu horeysay Sanadkaan ee lagu qabtay SYL waxaa lagu casuumay Xisaabiya yaasha iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha Dalka waxaase ii muuqday wax badan oo aan cadeyn soona if baxday Cabsidii aan qabay Maalintaas , Sababtoo ah lama cadeyn halka aay ka imaaneyso Lacagaha qarasha ahaan la isticmaalayo (Expenditure) halka aay kubaxayaan sidoo kale Daqliga ugu badan halka uu kazoo galaayo .
Wasiirki xiliga Mr. Xuseen Cabdi Xalane waxuu maalinkaa sheegay in Sanadaan Mushaarka Shaqaalaha joogto laga dhigi doono Sababtoo ah waxaa Dalka soo gala Deeqo iyo Dakhli badan oo ka imaanaya Gudaha .
Isbuucii hore waxaa Shir aay yeeshen Golaha Wasiirada oo uu shir Gudoominaayey Madaxweynaha laga soo saaray Go,aan ah in la dhimo Mushaaraadka Shaqaalaha , ma aheyn Go,aan lagu farxay marka laga reebo intii Shirtay sababtoo ah waxuu kusoo beegmay Shaqaalaha Dowlada oo aay ka maqan tahay 3 bil Mushaarkood , Ma xuma in wax la jaro lakin Hanaanka loo qaaday ayaan is leeyahay armeey Dhaliilo ku jiraan lana heli karay Qaab kale oo loo xaliyo waxaana ka mida Dhaliilahaas.
1. Intii la dhimi lahaa Shaqaale Mushaarkiisu liito hadane aan joogto u helin Waxeey aheyd kaliya in la dhimo Qarashaadka Socdaalka iyo Qarashadka Xafiisyada (Rain Coast) .
2. Inti Grade kasta laga jari lahaa Lacag waxaa habooneyd in la tilmaamo Heerarka qaar ileen isku Mushaar maahine Tusaale Grade A waxuu Qaataa 700$ halka Grade X uu qaato 198$ marka X wax kama go,aane Armaa A kaliya laga gooyaa .
3. Dadka haaya Xilalka Sidi Gudoomiye Wasiir Xoghaye, Agaasime waxeey dheeryihiin shaqaalaha caadiga ah Guno Xileed marka intii la jari lahaa Mushaar Shaqaale hoose maxaa iyaga looga dhimi waayey Gunooyinka Dheeriga ah .
4. Mashaariicda Qaar ee aay Wasaarada Maaliyaddu gacanta ku heyso lama haayo Performances ki looga baahnaa sidi kan PFMta hadane waxaa ku baxa Qarash fara badan marka waa in kaas la dhimaan marka hore, ama lagu badalaa qaab kale oo kan ka Qarash yar .
5. Guddiyada dhawaan la Ansixiyay waxaa loo qoondeyay Lacag aan ku jirin Miizaaniyada Sanadka waxaa hadane loo sheegay in la siinaayo Mushaar u dhaxeeyay 1500$ ilaa 2000$ saxna maahin in Qarash intaa la eg lagu kordhiyo Miizaaniyada Sanadaan .
6. In la dhimo ama la yareeyo Shaqaalaha cusub ee aan howl badan u heyn Dowlada ee hada la qoraayo maadaama aan loo heyn wax miizaaniyad ah .
7. In la hakiyo Shaqaalaha la Dalacsiinaayo Maadaama aay kordheyso Qarashadka waa in la hakiya ilaa looga helaayo Allocation u ogolaanayo Mushaar .
Waxaan is leeyahay todobadaan Qodob waxeey Miizaami karaan waxa qaldamay waxaa kale oo la heli karaa Qarash waafiya hadii loo isticmaalo si sax ah , waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka maadaama aay Go,aankaan Sharciyeyntiisa laga sugaayo ineey tixgaliyaan Qodobadaan maadaama aay u muuqdaan kuwa xal u noqonaayo G,aankaan aay ka naxen Shaqaaluhu .
By Abdisalan Hussein Omar