|

Talo Waa Lama Huraane Hoo, Jamaal Ali Husseinow.

Marka hore waxaan salaamayaa ummada somaliyeed gaar ahaan ummada reer somaliland waxaan u rejeynayaa nabad iyo xasilooni aada.Waxaan talo iyo tilmaan la tiigsanayaa musharaxa jagada madaxweyne ee xusbiga UCID, Jamaal Ali Hussein.

 

Sida aynu wada ognahay  muran kama taagna in ruux waliba wixii uu kasbado uu xidigan dushiisa ka helayo oo ay wax u yaala tahay hadba sida uu ummada ula dhaqmo, ka xil ummadeed loo dhiibayna kaba sii daran yahay.Masuuliyiinta iyo ummada qaarbaa u haysta in ayaamahu sidan ahaanayaan oo wakhtigu aanu is dhalan rogin, lakiin runtu waxa ay tahay waa hadhkaa ladaba gelin midba gees jiro oo uu yahay malinta iyo habeenkaa midba saacada joogayo. Reyn-reynta iyo badhaadha iyo xilkuna waa sidaa  badhaadhaha iyo nimcaduna tahay wax ayaamo la hasyto,xilka iyo kursiguna waa sidaa oo maaha wax cidi ku waareyso ama ay sii joogeyso.

 

Sida aynu ognahay masuuliyiinta qaarbaa marka xilka gacanta loo gesho dhaqan shaydaan yeesha oo dhan walba ummadu ka soo qeylisaa,qaarbaa xanbaarsan balamo reer iyo jifo hoose hibateynteed oo gunuus iyo qawdhan uun laga soo taagaa oo dantii caamka ahayd ee loo doortay ka hormaraya liska uu sida gaarka ah udaneynayo kaana ha noqon.

Haddi xilku waa calafe aad noqoto masuulka ummada ee wakhtiga dhow waxaan ku xasuusinayaa in sideedaba madaxdu laba uun ay noqoto, mid ummadu markay maqlaan magaciisa ay ka naxaan oo ay habaaraan ceebahiisana ay ka sheekeeyaan oo habaar qabe ah iyo mid mar kasta ay hadal hayaan oo ay ku farxaan sheekadiisa iyo hadal hayntiisa guulihiisana ay ka sheekeeyaan iyagoon ka caajisaynin amaantiisa iyo u duceyntiisa waana sidda dhabta ah.

 

Sidaa daraadeed waxa mihiima in aad wax ku qaadato mushkiladaha dhabta ah ee ummadan ay u geysteen kuwa hada jooga iyo kuwii ka horeeyey ee ay xilka u dhiibteen.Waxana waajiba in aad xilkaa ummada ee aad damacaday in aad qaado aad hada ka fiirsato.Looma baahna balanqaadyo beena,borobogaandho aan jirin oo dadka lagu dawakhiy,macadan aan la aqoon meesha ay taalo oo dadka wakhti lagaga lumiyo,kheyraadka bada eenay ummadu maalin kaliya rarag oo looga sheekeeya uun,cadaalad aan lagu dhaqmin oo dhagaha looga buuxiyo, tayeynta wax barashada oo beena,beeraha oo la maalgliyo oo beena, ummada reermiyiga iyo xoolahooda oo hadal haynuun ah taageeradoodu, biyo soo saarida aan la arag, tamarta korntada oo meelwalba la yidhaa waa ladhigayaa uun.xaruma caafimaadka oo la sheega uun iyo tii kali ahayd ee jirtay oo sii baabada.

 

Arrimaha kale ee u baahan in aad ka feejignaato hadii aad xilkaa timaado waxa ay yihiin in aad afar kula hayba sidii ubadkaaga gacantuun haysato oo ay kugu xeeraadaan ummada kalena ay weeteeyaan,ama ay faashash ku baacsadaan dariiqyada, yaanay kula qumanaan oonay ku qushuucgelin sheekooyinka xaafada hoose iyo kuwa danta shakhsiga ahi ay hagayaan, yaanay ku xadantaynin faalka iyo qabka madhan ee reernimo.Wax mihiima in aad ummada u sinaato xulashada masuuliyiintuna yaanay noqon wax cid kale kuu yeedhiso ama qaraabo qansax ku mutaysta hanashada jaqooyinka qaran.Xilku waa mid loo siman yahay ee yaanaan lagaa dareemin xaglin iyo is gundhin dhaxalkeedu qas noqdo.

 

Dalku waa somaliland dadkuna waa wada somalilander oo way u simanyiin dheeftiisa iyo dhibtiisa, diinteena suuban iyo sharciga dalkuna dhigimaayo in ummada lakala xigtaysto oo loo kala eexdo,loona kala guro kun nooc waa astaan xun cidii taa ku sifowdaa ee iska jir.Waa dhaqan duliya oo aad u xun in ummada loo kala eexdo qaarna wax loo qabto qaarna aan waraaba laga soo hoynin, sida taariikhdu dhigayso dhulbaan dawladaba laga aqon ummaduna aanay waxna ku qabin kol ay ku tahay MCH yar oo haweelku ku umulaan.Iska jir in aad ummada kala gurto oo aad  qaara baalasha saarto qaarna dhabarka  aad u jeediso sidii masuuliyiinta qaar, jagadii aabaha ayuu masuulka ay doortaana ugu jiraa shacbiweynaha, aabuhuna ma kala dhaweysto ubadkiisa ee iska jir dhaqamada ceebta iyo fadeexaduun laga dhaxlo ee ay ku dhaqmeen masuuliyiintii hore ishu shacbigu waa mid aan nibiqsan sawirna aanu dhaafin ee yaanu ku qaban adoo hagoog six un u hagoogtay xilkana sidii uu ahaa u baal maraya.dhalin yaradu waxa ay naawilayaan waa adiga ishaanay kugu hayaane ha seegin marinkay rabeen ee mudadda dheer sugayeen masuul mara.

 

Waxaan ku soo gunaanadayaa Jamaal, waxa aad ka mid ahayd ‘Gudiddii Horu Marinta Gobolka Saaxil’ ee waxa lagaaga fadhiyaa in aad kor uga soo barmoosto oo aad noqoto hogaamiyihii qaranka iyo gobolada reer somaliland  oo dhan.

 

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

Columbus Ohio

 

Comments are closed