Tallo Qaran iyo Caawa Ra’yi Keen,laba aragtiyood oo isu dhow Faalada Shabakada Qurbejoog.com
Waxaa maalmihii u danbeeyay Saaxada Siyaasada Somaliland aad u hadheeyay Shirka ay labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani ku baaqeen ee ay ugu magac dareen Talo Qaran,Kaas oo Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka oo hore u sheegay inay Shirkaas qabanayaan ay Nasteexo ahaan u soo Wareejiyeen Axsaabta Mucaaridka ah iyagoo dhawraya nidaamka Sharci ee dalka u degsan .
Ma xuma in la sharaysto afkaaraha la kala aaminsan yahay, dhaliishu waxaa lagu tilmaamaa Xudunta lagu sixi karo Wixii Xumaada in maamulka xukunka hayaa uu toosiyo,Wixii Wanaag ah ee uu sameeyayna lagu dhiirigeliyo.
Labada Xisbi Mucaarid oo ka mid ah hay’adaha distoorku waajibiyay Jiritaankoodu may Qarin Waxyaabaha ay damacsan yihiin in Shirkaas lagu soo bandhigo Sida Toobiyaha loo marayo aqoonsi raadinta qaranka,Xal u helida doorashooyinka isa saarka ah ee dalka la rabo inay ka qabsoomaan inta u dhaxaysa Sannadkan Gabaabsiga ah ee 2013 ilaa 2015-ka oo kala ah Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo Madaxtooyada,ku darsoo la rabo inay ka soo horayso diiwaangelinta Codbixiyeyaasha mar hadii ay fashilantay tii hore, Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo aan weli horumar laga gaadhin ayaa iyana ka mid ah qodobada ay Axsaabta Mucaaridku iclaamiyeen in Shirkaas lagu gorfayn doono sidii looga yeelan lahaa talooyin dhaxal gal ah,Waxaa kale oo ay Cadeeyeen in Shirkaas ay ka soo qayb gali karaan Xukuumada,Xisbiga Kulmiye, Sadexda Gole Qaran,Aqoon yahanka,iyo Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay oo fikir ku biirin kara arrimaha Muhiimka ah ee u baahan in Xukuumada lafteeda lagu badhi taageero.
Fal Celinata Xukuumada ee Shirkan ayaa inta badan u dhacaysay Sidan “Waxa ay labada Xisbi ee Ucid iyo Waddani ku dhawaaqeen Waaa Shir beeleed”, waa halku dhiga ay dawladu u adeegsatay in lagu nashuushadeeyo Shirkan,inkastoo ay labada Xisbi Mucaarid horayso iyo danbaysaba afkooda aan laga maqal waxaanu qabanaynaa Shir beeleed,mar hadii uu ka hor imanayo hanaanka ay Somaliland ku dhaqanto ee dimuquraadiga ah .
Fikirka Dawlada ee Qaadacaada Shirkaas Waxaa ku Taageeray Shirgudoonada labada Gole ee Baarlamanka waa Guurtida iyo Wakiilada,Marka laga reebo Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C,raxmaan Cirro oo Xili horeba Shaaciyay Taageerada Shirkan maadaama uu Xisbigiisu aragtidan la wadaago.
Waxaa hadaba la isweydiin karaa Waa Maxay waxa la isku hayaa, Distoorka Qarankan u degsan qodobkiisa 19aad waxa uu inoo cadaynayaa oo uu dhigan yahay sidan {Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan}, Sadex ereyba aan ka dheegano
waa Nabad,Labada Xisbi Mucaarid ma inoo sheegeen inay la imanayaan wax dhaawici kara amniga iyo Xasiloonid Guud ee Qaranka,Ogaalkay dhamaan hadaladoodii kumay Jirin arrintan, Sidoo kale Siday u arkeen habka Tallo Wadaag, waxay sheegeen in Qabashada Shirkani uu ka danbeeyay kadib markii Madashii wada Tashiga iyo Toosinta Qaranku ay ku qanacday in labada Xisbi ay Shirkan kala wareegaan ay taas aqbaleen,ayaamahaas waxaa isku dhici lahaa Odayaasha Madasha iyo Xukuumada oo Weedho xanaf leh Warbaahinta Isu mariyay ,Waxay ahayd aqbalaada Axsaabta Ucid iyo Waddani naruuro hor leh maadaama ay gacantooda soo gashay qadiyadii la isku mari la’aa ee keentay in dawladu huteelada amar ku siiso inaan Xubnaha Madasha Wada tashigu aanay ku kulmi karin huteeladooda,waxay ahayd xal baajiyay iska hor imaad aan loo baahnayn,Distoorku waxa uu waajibinayaa in Tallo Wadaag iyo isu tanaasul dalka lagu hogaamiyo,Distoorku ma ogola habka Cabudhinta iyo Xoriyad ka qaadista,Sidoo kale dimuquraadiyada aynu ku dhaqano waa mid diidaysa intaas aynu soo Xusnay iyo in kale oo kaba tiro iyo Magacba badan.
Sannado ka hor aynu maskaxdeena dib u celino Waa Cahdigii Xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Shakhsiyaad ka Mid ah Hal doorka labeenta aqoonta wadanka ayaa agaasimay Madal ay ugu magac dareen “Caawa Ra’yi Keen” waxay ahayd Todobaadle waxaa lagu falanqayn jiray kolba Mawduuca Wakhtigaas taagnaa ka hadalkiisu waxaa la Gole keeni jirtay in alaaliyo inta damacu ka hayo Hogaaminta Dalka,Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka mid ayuu ahaa Xubnihii doodahaas ka qayb qaadan jiray,dhaliishana u jeedin jiray Xukuumadii Xiligaas,dhab ahaan iyagu wakhtigaas ma ay Dhibsan waayo waxay ula muuqatay arrin aan maslaxada iyo nabadgalyada wadanka dhib ku keeni karin .
Gunaanadkii Faaladan waxaa haboon in Xukuumadu ay dhiirigeliso Kulamada noocan oo kale ah isla markaana ay ka dayso wax kasta oo xasarad gelin kara ama ladh ku abuuri karaa,Waxaaba Suurto gal ah inay ka hesho Xog ka Maqan oo garnaqsigeeda xoojiya,Sidoo kale dhegaha Shacabka waa in looga Tudhaa Hadalada aan Wanaagsanayn ee Naxliga iyo kala faquuqa huwan,waana in Dawladu ka Weecato dhabihii ay Ku eedayn Jirtay Tii ka horaysay,Si kastaba ha ahaatee ,aynu u soo noqono Xigmada Tidhaa “Aynu ku hadalno Waxa ay ku dhaqano,Aynu ku Dhaqano waxaynu ku Hadalno”
U gaar ah Shabakada Qurbejoog.com.
Hargaysa Office