|

Tallaabo Somalida Dan wayni Ugu Jirto Oo Maraykanka iyo Faransiisku Ka Wada Hadleen

Washington:Jully,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maraykanka Barakh Obama, ayaa kahor intaa aanu Magaalada Washington kula Kulmin Hoggaamiyahaasha qaaradda Afirka, waxa uu Xaaladda Somalia Kala Hadlay Dhiggiisa Faransiiska oo Arrimaha La Dagaallanka Argagixisada Waayo arag ku ah.

aeic Labada Madaxwayne ayaa waxay isla garteen in si wada jir ah ay u taba baraan ciidamada amaanka ee qaarada Afrika gaar ahaana ciidamada wadanka Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay madaxwaynaha Maraykanka, Barack Obama.

Dowladda Mareykanka ayaa  waxaa dalka  Somalia ka jooga ilaa 120 la-taliyaal milatari ah oo salddhig ku leh magaalada muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, iyadoo hore loo shaaciyay in saraakiil mareykanka ah ay ka howlanayeen dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii  2007, kuwaasi oo gacan ka gaysanaya howlgalada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa amisom.

Dhinaca kale Shirka dhawaan ka furmi doona wadanka Mareykanka oo uu marti galin doono madaxwayne Obama ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa sidii qaarada Afrika loogaga saari lahaa khatarada kooxaha argagaxisada oo uu ku sheegay inay yihiin ururada Al Shabaab, Boko Xaram, Aqab oo dhamaantood hoos taga urur waynaha Al Qaacida.

Shirka uu Madaxwaynaha Maraykanku ku marti galiyay madaxda qaaradani Afrika ayaa la sheegay inaan lagu casuumin Madaxweynayaasha wadamada Eritrea Esyas Ofwerki, Zimbabwe  Robert Mugabe iyo Sudan General Cumar Xassan Al Bashiir.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Conatact@somalidiasporanews.com

Comments are closed