“Taliyihii Wuu i Maqlayaa Afarta Taayir Ka Toogta Cida Wadada Marta”Wasiirka Madaxtooyada DAAWO
Ceerigaabo 27.Jan 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wefti uu Hogaaminayo oo dhawrkii cisho ee u danbeeyayba ku Sugnaa Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa ka hadlay halka ay Marinayaan hawsha dhismaha wadada isku xidhi doonta Ceerigaabo iyo Burco.
Wasiir Xirsi ayaaa dadweynaha Gobolka Sanaag Waxa uu u soo bandhigay Shan Qodob oo uu Xusay inay kaga qayb qaadan karaan Qaadhaan bixinta dhismaha wadadaas isagoo sidoo kalena hadal digniin ah Madashaasi ka jeediyay.