|

Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Somalia Oo La Eryey iyo Madaxii Keydka Hubka Oo Beddel Lagu Samaayey

Muqdisho:Jully,11,2014(SDN/QJ)-Wali waxa socda Saraakiisha uu shaqadooda galaafanayo weerarkii qorshaysnaa ee dhawaan lagu qaaday Villa Somalia, waxana ugu dambeeyey Taliyihii Ilaalaalada Madaxtooyada Kornayl Axmed Maxamed Afcadey oo xalay laga eryey shaqadii uu hayey.

afcadeyTaliyayha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ayaa xilka ka qaaday Taliyaha Ururka Madaxtooyada Somaliya Korneyl Axmed Maxamed Afcadey.

Waxaa xilkan si ku meel gaadh ah loogu magacaabay Ku Xigeenkii Korneyl Afcadey, oo lagu magacaabo Duraan, oo la sheegay in darajadiisu ay tahay Gaashaanle Ciidan.

Sidoo kale waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyay Madaxii keydka hubka ee Madaxtooyada Korneyl Garabey, waxaana lagu bedelay Korneyl Cosobow.

Isbedelkani waxa uu imanayaa, xilli la doonaayo in Ciidanka Dowladda ee ka hawlgala Madaxtooyada tiradooda la gaadhsiiyo 1500 oo askari, halka ay iminka ka yihiin 500 oo askari.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed