Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somalia Mr.Sanbalooshe oo Xogo iftiimiyey, Kashifayna Siyaasadda Farmaajo & Khayre iyo Weerar Ku Socda DAAWO
Muqdisho 06. February 2018 (SDN/QJ):-Cabdillaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ah Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, isla markaana ahaa Xildhibaannimo uu ka tegay markii Xilkaas loo magacaabay uu banneeyey toddobaadkan dhammaaday u tartamay, balse sheegay inay Dawladdu dagaal ku hayso, ayaa Waraysi kulul uu la yeeshay Weriye Dulyar oo ah ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Horn Cable TV.
Waraysigan oo uu Weriyuhu su’aalo adag ku weydiiyey Sanbalooshe oo isaga laftiisu jawaabo kulul bixiyey, sidoo kalena hadallo qaawan oo markii uu toddobaadkan dhammaaday waayey Kursiga Xildhibaannimo u jeediyey Dawladda iyo Xubno ka tirsan, u meel-sameeyey, ayaa sheegay inay waajib tahay inuu wax badan iftiimiyo, mar haddii Godkiisa Biyo ugu soo galeen.
Haddaba, Waraysigan oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana wax badan ama xogo xiiso leh oo badi Bulshada ka qarsoon iftiiminaya ama muujin kara, waxaannu Su’aalaha la weydiiyey iyo Jawaabaha uu bixiyey inta waraysigan socdo oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-