Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Somalia General Gaafoow Oo Markii Kowaad Ka hadlay Dil uu Daleewarkiisu u Gaystay Hawl Wadeen Dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somaliland oo Xiisad ka abuuray Muqdisho
Muqdisho 15. May 2017 (SDN/QJ):- Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ka hadlay dil uu gaystay darawalkiisii.
Faarax Cali Nuur ayaa la sheegay inuu degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho uu ku dilay kaaliyihii Maxkamadda sare ee dalka, Mursal Cumar Cismaan ka dib muran soo kala dhex galay.
Gaafow ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh ay Warbaahinta ka sheegeen waxyaabo ka fog xaqiiqada taasoo uu xusay iney tahay arrin nasiib daro ah oo aan loo baahneyn.
“Faarax Cali Nuur waa darawalkayga, muddo dheer ayuu ila soo shaqeeyey, wuxuu dilay nin ay wada deganaayeen hoygiisa oo ku yaala Degmada Waaberi. dilka ka dib waa baxsaday balse gacanta ayaan ku soo dhignay heyaddaha dembi baarista ku shaqada leh ayaana gacanta ku haya cadaalada ayuuna sugayaa,Sidoo kale Faarax Cali wuxuu Qirtay inuu Marxuunka Isagu dilay” ayuu yiri Gaafow.
Gaafow Waxaa uu sheegay iney xiriir la sameeyeen ehelada marxuumka kuna wargeliyen inay soo qabteen dembiilaha, haddii ay dili lahaayeen iyo haddii ay magdhow qaadan lahaayeena ay iyaga u taallo.
“Ehelada ninka la dilay waxay inoo sheegeen inay sugayaan aabaha dhalay marxuumka, sidaas ayaana isku ognahay,Sidoo Kale Gacan ku Dhiiglaha ayaa Qoyska Marxuunka ka dalbaday inay Cafiyaan Isla markaana ay Saamaxaan hasa yeeshee taasi qoyska ayaa ka go’aan gaari kara.” ayuu yiri Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud.
Dibed Bax ka dhacay meelo ka mid ah Muqdisho ayuu Gaafow ku sifeeyey mid siyaasadeysan oo ujeedooyin kale laga leeyahay, maadaama labada dhinac ee dilku khuseeyo is afgarteen.
Waxaa uu xusay in dilkan uu yahay mid madani ah, ayna qalad tahay in siyaasad lugaha loo geliyo, wuxuuna xusay in madaxda sare ee dalka iyo cid kale toona uusan waxba ka khuseynin.