Taliyihii Hore ee Ciidanka Millateriga oo Sheegay Musharraxa uu la Jecelyey Madaxweynaha Somaliland DAAWO
Hargaysa 18. November 2017 (SDN/QJ):-Taliyihii hore ee Ciidanka Millateriga Somaliland Maxamed Cabdillaahi Xasan (Jidhif), ayaa Baaq u diray Bulshada, isla markaana u soo jeediyey inay nabadgelyada ilaaliyaan, wax dhibaato ahna aanay samaynin. Waxa uu Guddiga doorashada u soo jeediyey inay cadaalad u maamulaan doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 13-kii bishan.
Kornayl Jidhif oo maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa, arrimaha uu ka hadlay iyo Qofka uu la jecelyahay inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland Musharrixiinta Tartamay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-