|

Taliyihii Hore Ee Ciidamada Kenya Oo Ku Baaqay In Militeriga Kenya Laga Saaro Gudaha Somalia

Nairobi:Aug,17,2015(SDN/QJ)-Inkastoo ciidamada Waddanka Kenya ee Gudaha Somalia ku sugani wali kusiii adkaysanayaan inay Halkaas kasii dagaallamaan, ayuu Jeneraal sare oo katirsan ciidanka Kenya ku baaqay in ciidamada waddankiisa si degdeg ah looga soo saaro Soomaaliya.

jesiuJen.Julius Karangi oo ah taliyihii hore ee ciidamada melleteriga Kenya ayaa ugu baaqay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in uu si degdeg ah ciidamadiisa ugasoo daad gureeyo soomaaliya.

isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacay magaalada Nairobi ayuu sheegay in haddii Kenya aanay ciidankeeda kasoo qaadan soomaaliya ay lugaha lageli doonto fashil melleteri islamarkaana ay khasaari doonaan ujeedooyinkii laga lahaa duullaankii soomaaliya lagu qaaday.

“Ciidanka Kenya iyo kuwa AMISOM mar hore ayay isagasoo bixi lahaayeen soomaaliya balse waxay la’yihiin xukuumad awood leh oo ay ku wareejiyaan wadanka waa in dowladda Kenya ay ciidamadeeda lasoo baxdaa si fashil looga dhowro ujeedooyinkii loo galay soomaaliya”ayuu yidhi Jen.Julius Karangi.

Mas’uulkan Kenyanka ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay diiday in ciidankeedu galaan soomaaliya islamarkaana ay ka baqayso wax lamid ah fashilkii muqdisho ku gaadhay sanaddii 1993.

Dowladda Kenya ayaa duullaan  kusoo qaadday soomaaliya sanaddii 2011 wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay shabaab iyana dagaalka u raratay gudaha Kenya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed