|

Taliyihii Hawlgelinta Al-shabaab u Qaabilsanaa Gobolka Bakool Oo Militeriga Dawladda Somalia Sheegeen Inay Dileen

Xudur:June,13,2015(SDN/QJ)-warkasoo baxay saraakiisha ciidamada somalia u qaabilsan Gobolka Bakool, ayaa sheegaya inay dileen Sarkaal sare oo Kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa Hawgelinta Gobolkaas.

horelSida uu xaqiijiyay Taliyaha ciidamada Milateriga Gobolka Bakool C/raxmaan Maxamed Tima Cadde howlgalka lagu dilay Sarkaalkan ayaa waxaa fuliyay ciidamada Milateriga ee Gobolka Bakool ku sugan, markii ay heleen macluumaadka la xiriira  Sarkaalkan.

Ninkan ay sheegeen saraakiisha ciidamadu inay dileen, ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Qaasim, wuxuuna ahaa Taliyihii howlgalinta Al Shabaab ee Gobolka Bakool.

C/raxmaan Tima Cadde, ayaa wuxuu sheegay in Qaasim uu ahaan jiray Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Xudur ee xilligii Dowladii C/laahi Yuusuf, balse markii Shabaabka Gobolka ay qabsadeen uu ka mid noqday xubnaha Shabaabka raacay.

“Ninkan Qaasim ayaa la dhahaa wuxuu ka soo jeeda dhanka Bari ee Gobolka, wuxuu ahaa nin dadka nafta u keena oo dadka dhibi jiray, dadka adeega u soo doonta Xudur ayuu nafta u keeni jiray, howlgal ciidamada ay sameeyeen ayaa lagu dilay oo macluumaadkiisa ayaan haynay, xalay ayuu dhacay howlgalkan oo guri Magaalada uu kaga sugnaa ayaan ku weerarnay.” Ayuu yidhi Col. Tima Cadde oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Kasokow hadalka Saraakiisha ciidamada Milateriga ee Gobolka Bakool, ma jiro ilo ka madaxbanaan Saraakiisha ciidamada oo xaqiijinaya in Taliyihii ciidanka Shabaab u qaabilsanaa dhanka howlgalinta Gobolka Bakool, ciidamadu ay qaarijiyeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed