|

Taliyihii Guutada Sadexaad ee Ciidamada Somalia General Max’ed Goobaale & Ilaaladiisii oo Ku dhimatay Qarax lala Beegsaday DHAGAYSO

Muqdisho 18.Sep 2016 (SDN/QJ):- ALLA ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay taliyihii guutada saddexaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale “Goobaale” kadib marki baabuur uu watay lagu dhiftay gaari ay saarraayeen walxaha qarxa.

jeneraal-maxamed-rooble-jimcaale-goobaaleSida uu VOA-da u xaqiijiyey afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifax Cumar Xalane, weerarka ayaa ka dhacay agagaarka wazaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay lix ka mid ahaa ilaalada marxuumka oo sida la sheegay la saarraa baabuurka uu watay Gen. Goobaale.

Comments are closed