Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha Saylac Oo Ku Gacan Saydhay Amar Uu Ku Bedelay Jananka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Xiirane Iyo Faro Galin Kaga Timaday Xaga Xukuumada Dhexe
Saylac 02.Jan 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha somaliland ayaa, markii ugu horeysay ku fashilmay inuu fulo amar uu ku bedelay Taliyihii Ciidanka ilaalada Xeerbaha Gobolka Saylac Haaruun Siciid Ka dib markii uu ku gacan sayidhay taliyihii Saldhiga Saylac
Oday Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka mid ah dadka deeganka Saylac oo khadka Telphoonkan noogu waramay waxaa hadlkii ka mid ahaa Jananka ciidanka ilaalada xeebaha jamhuuriyada Somaliland Admiral MaxameXuseen(Xiirane) waxaa uu sameeyay isku bedel qaar ka mid ah saldhigyada ciidanka ilaalada xeebaha jamhuuriyada Somaliland waxaa xusid mudan in mid kamid ah taliyayaashii lagu sameeyay bedelku uu si cad u diiday iyada oo aan ilaahada lag garanayn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa.Admiral Xiirane waxaa ka mid ahaa salidhigyadii uu taliyayaashooda isku bedalay taliyayaasha saldhigyada saylac iyo maydh, waxaa dhacday in in markii amarka jananku soo baxday uu taliyihii saldhiga saylac mudane Haaruun Siciid si cad udiiday amarkii jananka halka uu taliyihii saldhiga maydh oo ahaa ninkii aas aasay saldhiga maydh isla markaana ah salidhiga ugu weyn ee ciidanka ilaalada xeebuhu uguna hubka badan uu si nidaamka waafaqsan amarkii u qaatay isla markiiwarqada amraku gaadhayna uu iska soo xaadiriyay xarunta guud ee ciidanka ilaalada xeebaha ee hargiesa, halka taliyihii salidhiga saylacna uu ilaa hada joogo saylac amarkiina diiday.Nasiib wanaag ciidanka saldhiga saylac ayaa si weyn u soo dhaweeyay bedalaada taliyihii hore iyo magacabista taliyaha cusub isla markaana ku qasbay taliyihii horein uu xilka tiriyo waxaan sidaa xilkii ku tirsaday taliyihii maydh hadan ah taliyaha saldhiga saylac mudane Maxamed water, halka taliyihii hore ee saylac aanu tagin saldhigii maydh ee loo magacaabay, amar diidadiisuna waxay salka ku haysaa taageero uu ka helayo madaxweyne ku xigeenka qaranka mudane cabdiraxmaan saylici iyo jananka ciidanka asluubta mudane Xudhuun oo sodogii ah.
isagoo hadalkiisa sii wata oday Fiqi waxuu yidhi “” Taliyaha amar diidada sameeyay waxaa imika lagula taliyay in uu iska sii deganaado saylac isaga oo bilaa xil ah, isaguna wuxuu ku hawlan yahay sidii uu ukicin lahaa dadweynaha deegaanka, isaga oo dadkana u sheegaya warar aan saliyo raad toona lahayn oo caadifadaysan waxaanu ururinayaa dad taageera oo umuda haraada oo Tifiiyada uga hadla si saldhiga loogu soo celiyo taasina waa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah ee saylac, dadkan wuxuu ka soo ururinayaa deegaanada ku dhaw dhaw saylac.Hadaan si kooban u dul istaagno taariikhda taliye Haaruun Siciid, taliye haruun wuxuu hore uga tirsanaan jiray ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland gaarahaan guutada fadhigeedu yahay Bariisle waxaanu waqtigaas u qaabilsanaa saadka.Waxaa dhacday waqtigii ONLF tu hubka kala soo degtay xeebaha galbeedka in uu ahaa ninkii wadada mariyay ee gadhwadeenka u ahaa, markii kiiskaa lagu ogaadayna waxaa laga rusqeeyay ciidanka qaranka, isla dhawr bilood kadib ayuu madaxweyne ku xigeenku qorey ciidanka ilaalada xeebaha jamhuuriyada Somaliland, mudo yar kadib wuu madaxeyne ku xigeenku ka codsaday jananka ciidanka ilaalada xeebaha admiral axmed aw cismaan in ninkaa haaruun umagacaabo taliyaha saldhiga saylac waanu ka aqbalay codsiga madaxweyne kuxigeenka waanu u magacaabay taliyaha.Waxaa ayaan daro ah in isaga oo waxaas oo khalad ah hore loogu sameeyay uu hadan maanta wado khal khal iyo kicin dadweyne uu deegaanka ka dhexsameynaayo, taasina waxay noqonaysaa sidii maah maahdii soomalida ee ahayd“Gardaro Garab Ogi Ma istaagto”.
Gabo gabadii oday Fiqi wax uu madaxweynaya ugu baaqay inuu xaalada hoos u eego waxaanu yidhi ”
Ugu danbeyni waxaan u soo jeedinayaa madaxweynaha qaranka in uu arintaa uu madaxeyne ku xigeenku lugta kula jiro hoos u eego xalna uraadiyo si kalsoonida ciidanku iyo kala danbayntu u waarto hadii kale dalku fowdo ayuu gali amar kala qaadashaduna waa la waayi waxbana inoo kala socon maayaan.