|

Taliyihii Ciidamada Milatariga ee Dawladii Siyaad Barre oo Socdaal Ku Jooga Magaalada Hargaysa,Kulan uu La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo Ujeedada Rasmiga ah ee Safarkiisa DAAWO

Hargaysa 21. November 2016 (SDN/QJ):- Taliyihii Ciidamada Dawlada Milatariga ahayd ee Siyaad Barre General Galaal oo soo safar ku yimi Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay ujeedada safar uu ku yimi Somaliland.

Taliyihii hore ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Maxamed Nuur Galaal  ayaa sheegay in uu la kulmay madaxweynaha Somaliland Mudane Silaanyo – isagoo jenaraalku sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay ahayd inuu soo arko qaabka ay noqotay magaaladii burburtay ee Hargeysa iyo arooska gabadh uu dhalay.

Jen. Galaal waxa kale oo uu sheegay in markii uu yimid magaalada Hargeysa dhibaatooyinka uu ku arkay magaalada ay kamid yihiin Biyo la’aanta iyo Waddo La’aanta ka jirta.

Wariye Maxamuud Cabdi Ducaale oo jen. Galaal ku waraystay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu waydiiyay su’aal ahayd; Maxaa laguu xidhi waayay?, isagoo ku jawaabay; “idinkoo jirin ayaan anigu reer Hargeysa ahaa waana layga yaqaan, midda kale waa la ogyahay in anigu marna aanan meeshan xumaanteeda ka shaqayn iyo dagaalkeediyo”

Comments are closed