|

Taliyeyaasha ciidamada booliiska iyo asluubta oo xilka loo dhaariyey

Muqdisho 09.May 2015 (SDN/QJ)-Taliyeyaasha cusub ee ciidamada booliiska iyo asluubta Soomaaliya, ayaa maanta xilka loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday Muqdisho oo uu goob-joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

dhaarinGuddoomiyaha maxkamadda sare, Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa labada taliye ee Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ah taliyaha ciidanka booliiska, iyo taliyaha ciidanka asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, xilka u dhaariyey.

Madaxweyne Xasan ayaa u hambalyeeyey taliyeyaasha, wuxuuna kula dardaarmay inay sii laba-laabaan howshii ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horreeyay, lana yimaadaan qorshe amniga dalka lagu xoojinayo.

Munaasabadda dhaarinta waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirrada amniga iyo caddaaladda ee xukuumadda Soomaaliya.

Comments are closed