|

Taliye-ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Baydhabo Oo Toogasho Lagu Dilay iyo Warar Kasoo Baxaya Xaaladda Ciddii Dilkiisa Ka Dambaysay

Baydhobo:June,03,2015 (SDN/QJ) –Taliye-ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Degmada Baydhabo Kornayn Cali Salaad, ayaa  shalay Galabtii lagu toogtay isla-magaalada Baydhabo, waxana dilkiisa ka dambeeyey nin Hubaysanaa oo sida la sheegay isna isla goobtaas lagu toogtay.

kuwoTaliye-ku-xigeenka ayaa la sheegayaa inuu markaas Gurigiisa kusii socday, waxana qofkii dilkiisa geystay si fududu u toogtay ciidamo halkaas ka dhawaa oo rasaasta maqlay.

Taliyaha waxaa la dilay isagoo saaran Gaadhigiisa Gaarka ah, waxaana xilligaasi uu marayay Wadada Afar-irdoodka, sida Goobjoogaha la hadlay Warbaahintu sheegeen.

Maamulka Degmada Baydhobo, ayaa ku eedeeyay Dilka inay ka danbeeyaan Al shabaab, oo Mudooyinkii danbe Dilalka noocan ah ka fulinaysay Magaaladaasi.

Wali Al shabaab kama aanay hadlin Weerarka xalay lagu khaarijiyay Col Cali Salaad.

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed