|

Taliye ku Xigeenka Booliska oo Lugtii 2aad ee Kormeerkiisa ku tagay Magaalada Laascaanood

Laaas Caanood 01.Aug (SDN) Wefti uu Hogaaminayo Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed Fooxle ayaa Galabta Kormeer ku Tagay Magaalada Laascaanood isla markaana Kulllan la qaatay Ciidamada Booliska .

 

Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu Warbixin ka dhagaystay Madaxda Ciidanka booliska ee Gobolka Sool oo Sharaxay Xaalada Nabadgalyo ee Magaalada Laascaanood oo ay Sheegeen inay tahay Mid Nabdoon isla markaana aanay Jirin Wax dhibaato ah oo Wakhtigan ka Taagan

 

Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed Fooxle oo Gabo gabadii halkaasi ka hadlay waxaanu ka waramay Ujeedada Safarka ay ku yimaadeen Xarunta Gobolka Sool ee laascaanood  oo uu ku sheegay inay ugu kuur galayaan Xaalada Guud ee Ciidanku ku Sugan yahay,Habka ay u Wada shaqeeyaan, Qaabka uu u Gudanayo Waajibaadkiisa iyo Wixii Baahi ah ee haysta .

Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Maalintii Shalay Kormeer kan oo kale ah ku Soo Maray Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed