|

Taliye Fadal Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Falkii Maxamed Kaahin Lagu Weeraray

Hargeysa:12-Nov-2013(SDN)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa  ayaa markii ugu horraysay ka warramay dhacdadii Kooxda Hubaysani Toddobaadkan Horraantiisii ku weerareen Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

fadalTaliye Fadal oo Maalintii shalay u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka, ayaa tilmaamay inay falkaas u soo qabteen Saddex shakhsi oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dhacdadaas shacabku dareenka cadhada leh ka muujiyey.

 

Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal ayaa falkaas ku sheegay mid dhaawac iyo foolxumo ku ah Guud ahaanba qaranimada iyo Nabadgelyada waddanka Somaliland, waxana uu xusay inay ciqaab adag marin doonaan cidda ay ku caddaato inay ka dambeeyeen.

“Arrintaasi isku-dayga dil ee lagula kacay Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed waxay ahayd dhacdo foolxun oo Somaliland ugub ku ah oo qofkasta oo maqlayna uu aad uga xumaaday, Mujaahid Maxamed Kaahin waa nin qiima baddan oo waddanka xaq ku leh  Waxaanu Maxamed Kaahin ka mid yahay birma-geyda Somaliland,dhacdadaasi Iskudayga dilka Ciidanka boolisku aad iyo aad ayey uga xumaadeen, laga bilaabo 9 November ee ay dhacdadan foosha xun dhacday ilaa imika Ciidaanka boolisku waxaanu galnay hawlgal balaadhan oo goob kasta iyo meelkasta oo loo tuhmayo ragaasi falka isku-dayga dilka ku kacay oo aanu ka baadi goobayno.Waxaanu imika qabanay 3-qof ayaanu qabanay oo weliba baadi-goobkii socdo, waxaanan ku raad-joogna laba ka mida sadexdii qof ee weerarka geystay, waxaanay Ciidaanka boolisku ku jiraan hawlgal balaadhan oo ay ku soo qabqabanayaan raggi danbigaasi geystay,iyada oo ay Ciidaanka boolisku tagayaan goobkasta iyo meelkasta oo lagu sheego ragaasi. Dhacdadani waa arrin aad u fool xun oo aanu aad iyo aad uga xunahay oo adag oo aynaan Somaliland ahaan caado u lahayn, Ciidaanka booliskuna gacan bira oo adag ayey ku soo qabanayaan ragaasi falka geystay, oo si culus sharciga looga marin doono ciqaab culusna aanu marsin doono.”  Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal.

 

Inkastoo uu Taliye Fadal xusay inay ciidanku soo qabteen qaar ka mid ah raggii weerarkaas geystay, haddana waxa jira warar hoose oo sheegaya in kooxdaasi gacanta ciidanka aanay wali soo gelin oo qaar kood ku dhumaalaysanayaan meelo qarsoodi ah, halka qaar kalena la sheegayo inay waddanka ka baxeen.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, ayaa looga fadhiyaa inuu Bulshada hor keeno raggan uu sheegay inuu gacanta ku hayo, waxana sidoo kale looga fadhiyaa inuu sharciga iyo maxkamadaha waddanka si degdeg ah u hor geeyo.

 

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed