Taliye Fadal oo ka hadlay Dil shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa.
Hargeya 24-7-2013 (SDN)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay Ciidanka booliska Somaliland ku guuleysteen hawlgal ballaadhan oo ay sameeyeen,kadib-na gacanta ku soo dhigeen laba nin oo shalay Duhurnimadii qudha ka jaray Marxuum Mahad Asad Cabdi. Isla markaana waxa uu xusay inay baabuurta gurmadka deg-degu ay noqon doonaan baalasha ay Ciidanka boolisku ku duulaan.
Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warfidiyeenada uga warramayey, dil ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo tallaabadii ay qaadeen Ciidaanka boolisku, ayaa waxa uu yidhi “Maanta(shalay) abaaro 2:00-duhurnimo Xaafada loo yaqaano AKTOOBER ama Ex-Libaaxyada waxa ka dhacay dil loo geystey Marxuum la odhan jirey Mahad Asad Cabdi oo da’adiisu ahayd 21-jir, marka hore waxaan ka tacsiyadeynayaa qoyskoodii oo waxaan leeyahay ILAAHAY samir iyo iimaan ha idinka siiyo markaasi, Labadii nin ee geystey dilkaasi waa la qabtey,kadib markii Ciidanka boolisku hawlgal balaadhan sameeyeen ayey ku guuleysteen, waana ILAAHAY mahaddii mar haddii aanu gacanta ku soo dhignay labadii nin ee loo tuhunsan yahay inay geysteen dilkaasi, baadhitaankiina wuu ku socda labada nin”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal, waxaanu ku bogaadiyey hawlgalkan Ciidankii iyo saaraakiisha booliska Somaliland ee gacanta ku soo dhigey eedeysanayaashan dilka loo haysto iyo weliba sida ay Ciidanku hadh iyo habeen heeganka ugu jiraan inay umadooda amaankeeda ilaaliyaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxa uu fariin u direy dhalinyaro uu ku sheegay inay koox koox u dagaalamaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhalinyarada had iyo jeer u dagaalanta kooxaha ayaa waxaan halkan uga dirayaa fariin ah waa inay ka waantoobaan, ciddii ka waantoobi weydana waxay Ciidanka booliska Somaliland ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan”.
Taliye Fadal mar uu la hadlayey shacab-weynaha reer Somaliland waxa uu ka codsaday inay la shaqeeyaan oo ay gacan siiyaan Ciidanka booliska, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga soo jeedinayaa dadweynaha reer Somaliland sidii ay horeba ula shaqeyn jireen Ciidaanka booliska ay ula shaqeeyaan oo ay si fiicana ula shaqeeyaan baabuurta ootto ootada si uu amnigoodi u sugnaado”.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo) Hargeysa Office.