“Taliye Fadal Isagaa Qaran Dumis ah oo Ka Leexday Sharuucdii Dalka…..”.Siyaasi Keyse Cali Geedi DAAWO
Hargaysa 21. April 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Keyse Cali Geedi oo ka mid ah hoggaanka xisbiga WADDANI, ayaa si adag u cambaareeyey xadhiga siyaasiyiin ka mid ah xisbiga WADDANI oo maalmahii ugu dambeeyey ku xidhnaa xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa, waxaana uu qaran dumis ku eedeeyey taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo uu sheegay in uu ka leexday xayndaabkii guud ee sharci ilaalinta iyo dhowrista nabad-gelyada Somaliland.