Taliye Cusub oo la Wareegay Maanta Hogaaminta Ciidamada AMISOM ee Somalia
Muqdisho 16.Dec 2013 (SDN)- Silas Ntigurirwa oo ah taliyaha cusub ee ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidamada, Andrew Gutti.
Xaflad ay labada mas’uul xilka kula kala wareegayeen oo lagu qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, Midowga Afrika, safiirro iyo marti-sharaf kale.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mohamed Salah Annadif oo xafladda ka hadlay ayaa ammaanay waxqabadkii taliyhii hore ee ciidamda AMISOM, isagoo kula dardaarmay taliyaha xilka la wareegay inuu waxqabad la yimaado.
Silas Ntigurirwa oo ay dhalashadiisu tahay Burundi ayaa u mahadceliyay taliyahihii hore Andrew Gutti, wuxuuna ballan-qaaday inuu la imaan doono qorshe cad oo lagu horumarinayo nabadda Soomaaliya.
Ntigurirwa ayaa noqonaya taliyihii 4-aad ee AMISOM ay yeelato tan iyo markii ay Soomaaliya ka billaabeen howsha nabad-ilaalinta sanadkii 2007.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com