Taliyaha Taliyaha Somaliland oo ka hadlay Maandooriye ay ciidanku qabteen iyo arrimo ku saabsan Nabadgelyada
Hargeysa 4, August 2012 (SDN)- Taliyaha Ciidanka booliska ee Somaliland Mr. Cabdullaahi Fadal Iimaan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan nabadgalyada .
Taliye Fadal waxa uu soo bandhigay Maandoriyeyaal ay ciidamada Boolisku ku soo qabqabteen hawlgalo ay sameeyeen, isagoo ka codsaday in bulshadu la soo socodsiiyaan ciidamada Booliska cidkasta oo ku hawlan inay ka ganacsato iibinta maandooriyayaasha kala duwan.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka boolisku waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sida uu xusay been abuur ah oo ay ka faafisay Wargayska Waaheen, waxaanu u soo jeediyay in Warbaahintu waxyaabaha ay qorayaan ay ka feejignaadaan khaladaadka ku jira kuna dadaalaan sifo kasta oo ay ku hubsan karaan wararkooda.
Qurbejoog.com, Hargeysa