Taliyaha Sare ee Ciidanka Qaranka Myanmar oo Maraykanka u Cadeeyay in Qoomiyada Rohinga aanay Dalkiisa u Dhalan Balse ay ka soo Jeedaan Bangladesh & Waxay ka Yeelayaan Kuwii u Qaxay Bangladesh!!
Myanmar 13. October 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha sare ee Ciidamada Qaranka Mayan-maar Jeneral Min Anug, ayaa si rasmi ah ugu sheegay Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalkaasi in Muslimiinta Rohinga ayna u dhalan Mayan-maar, ee uu Gumaystihii ingiriisku Dalka Keenay.
Jeneralku waxaa uu intaasi raaciyay in aan dadkan Loogu yeedhi Karin Rohinga ee ay Bangaali yihiin iyaga oo Magacaasi haystay Wakhtiyadii hore Hase yeeshee waxa uu Cadeeyay Safiirka in ayna Dib ugu soo noqon Karin Gobolka Rohinga kuwa ka qaxay ee ay dalkoodii Tageen.
Dhinaca kale in ka badan Nus Malyuun ayaa u qaxay Bariga Bangaaladhesh kuwaas oo si arxan darro ah ay u Baro kiciyeen Ciidamada qaranka Dalkaasi Mayan-maar iyagoo u Gaystay xad gudubyo aan loo Dul qaadan Karin.