Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo Iftiimiyey Waxqabadyo u Hirgalay Mudooyinkii u Danbeeyay
Hargaysa 23. August 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha Guud Ee Taliska Ciidmada Socdaalka Jsl S/Guuto (Brigadier) Maxamed Cisman Caalin ayaa ka hadlay Qorsheyaal ay Ku Horumariyeen Laanta Socdaalka Somaliland.
Taliyuhu wuxuu xusay inay hirgaliyeen 8 Degmo kana sameeyeen Laamo Socdaal Iyo Unugyo U Shaqeeya Nooca Loo Yaqaan Mobile Unit Oo Wata Gaadiid Qalabaysan.
Taliyaha Guud Ee Taliska Ciidamada Socdaalka General Dayib Ayaa Tilmaamay Guulaha Uu Ku Suntanyahay Mudada Uu Xilka Qaranka Hayay Oo Ay Kow Ka Tahay In Maamul Daadajin Farsamo Socdaal Loo Sameeyo Ciidan Weynaha Taliska Guud Ee Socdaalka Oo Awal Meel Kaliya Is Dul Fadhiyay Inay Maanta Ay Si Xirfadaysan Ugu Baahiyeen Goobaha Kala Duwan Ee Degmooyinka Kala Duwan Ee Magaalada Hargeysa Kuwaasi O Waajibaadkood Si Hufan Oo Xirfadi Ku Dheehan Tahay U Guta Habeen Iyo Maaalinba.
Waxaana Kow Ka Ah Hubinta Iyo La Socodka Dhaqdhaqaaqa Ajaanibka Kala Duwan Ee Dalka Soo Gala,Iyo Waliba Adkaynta Iyo Bixinta Dhokumantiyada Socdaal Ee Jawasul Safar, Iyo Ogolaanshaha Dalku Gal Iyo Fiisooyinka Dalkugal Iyo Ogolaanshaha Deganaansho Rasmi Ah Iyo Mid Aan Rasmi Ahayn Labadaba.
Ugu Danbayn Waxa Uu Taliyaha Guud Ee Taliska Ciidamada Socdaalka Jsl Tilmaamay Muhiimada Ay Leedahay Hirgalinta Kooxda Wareegta Amaba (Mobile Team) U Shaqeyanaya Qaab Casri Ah,Waxaanu Ugu Bushaareeyey Shacabka Reer Somaliland Inay Ugu Adeegayaan Hanaan Xirfadyahanimo oo Wadaniyadi Ku Dheehan laga Arki Doono Goobaha Ama Marsooyinka Kala Duwan Ee kala Ah Dhul,Bad,Iyo Madaaro intaba.