|

Taliyaha Hawlgalinta Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay Tirada Dambiyada Dalka Ka Dhacay Sanadkan DAAWO

Hargeysa,3Nov,2015(QJ/SDN)-Hogaanka hawlgalinta ciidanka booliska Somaliland  Maxamuud Ducaale, ayaa munaasibadda xuska 22-guurada ciidanka Somaliland ka jeediyay tirada dambiyada sanadkan dalka ka dhacay.

Waxa uu Maxamuud Ducaale, soo bandhigay tirada guud ee dambiyada sanadkan dalka ka dhacay, inta Kufsi, inta shilal, inta iska hor imaad bulsho ama bulsho iyo booliska iyo falal kale.

Waxa uu sheegay in dilalka dalka sanadkan ka dhacay yihiin 61 dil, halka gacanta lagu dhigay 55 gacan ku dhiigle, waxaana baxsaday 6 dil gaystay. Waxaa jira hoos u dhac yar oo dhinaca dilalka ah marka la is barbar dhigo sanadka 2014 iyo 2015.

 

Comments are closed