|

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo Ka Hadlay Marxaladihii uu Soo Maray Aasaaska Ciidan-weynaha Qaranka Somaliland DAAWO

Hargaysa 03. February 2018 (SDN/QJ):-Taliyaha ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn si faah-faahsan uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu ciidanka qaranku soo maray, horumarka uu sameeyey iyo sida ay ciidanku udub-dhexaadka ugu yihiin jiritaanka qaranka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maalinba maalinta ka dambaysa ciidanka qaranku wuu soo kobcayey, waana waxa aynu maanta milgaha ku leenahay ee aynu qayrkeen ku dhaafnay, waxaana ay ka qayb qaateen sidii maamulka dawladda loo fidin lahaa, loona gaadhsiin lahaa gobollada iyo degmooyinka dalka, madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa aan uga mahadnaqayaa inuu ku dhiirrado bixinta derejada uu ciidanku ku xarragoonayo, annaga oo ciidan ahaan ballan qaadayna in aanu sugno nabadgelyada guud ee dalka Somaliland.”

Taliyuhu waxa uu tilmaamay inay ciidamadu horumar ballaadhan ka sameeyeen dhinacyada tabobarrada iyo waxbarashada, isla markaana ay saraakiil kamid ahi dalalka dibadda waxbarasho u tagaan, waxaana uu tilmaamay in goobo badan oo dalka ah laga hirgeliyey kulliyado lagu tababaro saraakiisha kala duwan ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay inay ciidamadu dhawaan heleen agab caafimaad oo dhammaystiran, kaas oo ay kaga kaaftoomi doonaan baahidii caafimaad ee ay cusbitaallada kale ku tegi jireen.

Comments are closed