Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska oo ka hadlay Cidii Mas’uulka ka ahayd Weerar lagu qaaday Goob Diiwaangelineed oo Gobolka Awdal ah Soona Bandhigay Agabkii la qaatay iyo Hubkii Kooxda Shuftada ahi ay adeegsadeen oo Gacanta Ciidanka ku Jira DAAWO
Hargeysa 19 February, 2016 (SDN/QJ):-Ciidanka booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigtay cidii ka danbaysay weerarkii lagu qaaday xaruntii ay ka socotay diwaangalinta codbixinta ee deegaanka baki
Taliska ciidanka booliska oo shirjaraa’id oo ay qabteen waxa ay ku soo bandhigeen cidii ka dan baysay weerarkaasi lagu qaaday xarunta diwaan galinta ee geegaanka baki
Waxaanay soo bandhigeen dablaydii weerarka gaysatay,hubkii ay ku weerareen iyo cidiii ka danbaysa waxaanay sheegeen taliska ciidanku in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi qaar kamid ah salaadiinta dhaqanka somaliland.
Dhinaca kale, Warar dheeraad ah oo Qurbejoog ka helay Dadka Ciidammada Ammaanku u xidheen Weerarka lagu qaaday Goobta Diwaangelintu ka socotay, ayaa sheegaya inuu ku jiro Suldaan Mowliid Cali Ibraahim (Sabbeyse) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Maroodi-jeex.