Taliyaha Cusub ee Boolika Soomaaliyeed oo xilka si rasmi ah ula wareegay iyo kulan uu la qaatay saraakiisha booliska (Sawirro)
Muqdisho May 10 2013 (SDN)— Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee dhawaan loo dhaariyay xilkaasi ayaa waxa uu maanta kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliyeed Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid ay Albaabadu u xiranyihiin ayaa waxa Jeneraal Cabdi Xakiin Daahir Siciid ( Saacid ) iyo saraakiisha booliska ay uga hadleen arrimo quseeya Amaanka Magaalada Muqdisho iyo dalka oo dhan.
Taliye Jeneraal Cabdi Xakiin Daahir Siciid ayaa sidoo kale xilka kala wareegay Talihii hore ee xilka laga qaaday Shariif Sheekhunaa Maye oo xilkan horay u hayay.
Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliyeed ayaa waxa horyaalla shaqooyin adag oo ay kamitahay sidii loo xaqiijin lahaa Amaanka Magaalada Muqdisho oo uu qalqal ka jiray baryihii u danbeeyay.
SDN-Muqdisho