|

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xerada Jasiira ee duleedka Muqdisho

Muqdisho 01.Nov 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed ayaa kormeer ku tagay xerada Jasiira ee duleedka Muqdisho halkaas oo tababarro kala duwan ay uga socdaan cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.
Taliyaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xerada, isagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha tababarka bixinaya oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib.
Maxamed-Aadan-AxmedWuxuu uga mahadceliyay saraakiisha tababarka bixinaya sida ay uga go’an tahay soo saarista ciidan leh tayo iyo tababar sare.
Wuxuu u sheegay ciidanka tababarrada qaadanaya inay si fiican uga faa’iidaystaan tababarrada, ayna ogaadaan in lagu hammi wayn yahay inay ka qeyb-qaataan dadaallada soo celinta nabadda iyo nabadgelyada.
“Tababarrada aad qaadaneysaan waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeyn qorshaysan ee dib loogu dhisayo ciidanka qaranka Soomaaliya,” ayuu yiri taliyaha.
Wuxuu sheegay in taliska ciidanka uu muhiimadda koowaad siinayo sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeya kana madax bannaan qabyaalad iyo eex.
“Tababarrada ciidamadu waa astaan muujinaysa dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarinno tababarrada iyo qalabeynta ciidamadeenna si ay u gutaan waajibaadka qaran ee ay u igman yihiin,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey taliyaha.

Comments are closed