|

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ka Hadlay Marxaladihii Ciidan Weynaha Somaliland {DHAGAYSO}

Hargaya 02.Feb 2014 (SDN)- Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa waxa uu isna dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan xubnaha ciidamada qaranka iyo xaasaskooda waxana uu ka waramay waxyaabaha u qabsoomay ciidamada qaranka Somaliland ee sanadkii la soo dhaafay, isga oo sheegay in bixinta darajooyiku ay dhiiri galisay ciidamada qaranka.

Waxana uu intaasi raaciyay in sanadba sanadka xiga ay awooda ciidamadu kor u sii kacayso, waxa uu sheegay in dayactir iyo  qalabayn lagu samyeeyey miiska saraakiisha ee burco, qodista ceel biyoodyo, iyo dhismaha qolal casri ah oo xarumaha ciidamada laga hirgaliyay.

Guji Halkan oo Mobilkaaga Ka Dhagayso Hadalkii Taliyaha

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ShaqaleCiidan2.mp3″]

Hargaysa SDN.

Contact@somalidiasporanew.com

Comments are closed