Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliya Jen. Indho Qarsho Iyo Kolonyo Galbinaysay oo Qarax Lala Eegtay
Muqdisho: 28,May,2014(SDN/QJ)-Qarax Xoogan ayaa saakay abaaro 8-dii Subaxnimo waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen Saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya xili ay marayeen agagaarka Warshadii hore Caanaha ee Magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxu ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso , waxaana lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo la tilmaamay in ay galbinayeen saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga uu kujiro Taliyaha Ciidanka Milatariga Jen. Indho Qarsho.
Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xooganaa oo laga maqlay xaafadaha ku dhaw dhaw halka uu ka dhacay , Ciidamada Milatariga ayaana deg deg u xidhay wadooyinka soo gala halka uu qaraxu ka dhacay .
Wali lama oga Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa xoogan ee lala eegtay Saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya , mana jiro faah fahain uu taliska Ciidanka ka bixiyay Qaraxaasi la sheegay in lala eegtay Taliyaha Ciidanka Milatariga balse uu ka bad baaday.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com