|

Taliyaha Ciidanka iyo Sarakiil Mareykan ah oo booqday Jiidaha hore

Muqdisho September 09, 2024(QJ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Mareykanka ayaa booqasho ku gaaray Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo ay la socdaaan Korneyl David Haskell, Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka iyo saraakiil kale ayaa halkaa booqanaya.

Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kula dar daarmay saraakiisha in ay u diyaar garoobaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya shacabka deegaanka oo u diyaarsan la dagaalankooda.

Saraakiisha Mareykanka ee booqatay ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka, waxaana ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay gacan ka geystaan ​​dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Leave a Reply