Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo ka Hadlay Hawlgalo ay Dad ku soo qabqabteen
Hargaysa 21.October 2013 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Maxamed fadal ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay caasimadda hargaysa ayaa waxa uu kaga hadlay hawlgallo amni oo ay ciidamada ammaanku habeenadii u dambeeyey ka sameeyeen Gudaha Magaalada hargaysa, kuwaasoo lagu soo qabtay in ka badan Boqol ruux oo eedaysanayaal ah.
Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu sheegay in hawlgaladaasi lagu bartilmaameedsaday dhalinyaro waday hawlo dhinaca amaan-darada ah oo qaarkood tuug caadaystayaal yihiin qaar kalena ay isticmaalaan maandooriyeyaal.
Taliye fadal waxa uu sheegay in guud ahaan ciidamada ammaanku gacan ka heleen bulshada si ay gacanta ugu dhigaan dembiilayaaaha qaarkood oo la helay iyagoo dembi gacanta kula jira. Waxana uu shir jaraa’idkiisa kaga dhawaaqay in hawlgaladaasi guul ku soo dhamaadeen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com