Taliyaha ciidanka Asluubta oo kormeer ku sameeyay Xabsiga Dhexe ee Boorama
Boorama December 20, 2012 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Mr. Maxamed Xuseen Xiirane oo socdaal shaqo u jooga gobolka Awdal ayaa manta kormeer ku sameeyay Xabsiga dhexe ee magaalada Boorame
Taliyaha Asluubta oo u kuurgalay xaaladda maxaabiista ku jirta xabsigaasi ayaa sheegay in uu indhihiisa ku soo arkay maxaabiista isla markaana ay xaaladoodu hagaagsan tahay.
Dhanka kalena taliyaha oo la kulmay ciidamada asluubta Somaliland ee Gobolka Awdal isagoo warbixino ka dhegaystay taliayaha ciidanka asluubta ee Gobolka Awdal Siciid Axmed caynaan iyo saraakiisha kale.
Taliyahu waxuu u ballanqaaday ciidamadii uu la kulmay in sanadkan ay qorshaha ku jirto inla balaadhiyo dhismaha jeelka dhexe ee magaalada Boorame isla markaana gaadiid ay ciidamadu ku hawlgalaan lagu soo kordhin doono.
Qurbejoog.com, Hargeysa