Taliyaha Ciidamadda Qaranka Somaliland oo ka Hadlay 22 Guuradda aasaaska Ciidanka qaranka oo Maanta ku beegan DHAGAYSO
Hargeysa 2, February,2015(SDN/QJ):- Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Guud ahaan Ciidamadda Qaranka iyo Xaasaskooda Munaasibadda 22 Guuradda ka soo wareegtay Aasaaska Ciidan weynaha Qaranka Somaliland oo ku beegan Maanta oo Salaasa ah.
Taliyaha oo Khadka Telefoonka kula hadlay Shabakada Qurbejoog ayaa Ciidanka u rajeeyay inay Sannadkan kiisa ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo.