|

Taliyaha Ciidamada Mareykanka oo booqanaya Masar

Qahira Feb 13,2012(qurbejoog.com)-Taliyaha  guud ee ciidamada  Maraykanka  oo booqasho laba cisho  ah ku joogay  caasimadda  dalka  Masar   ayaa kulano  la yeeshay  madaxda  golaha  Militariga  ee dalkaasi,  iyagoo  ka wada  hadlay  xidhiidhka  labada dal  oo baryahan soo dhex galay  mad madaw.

Taliyaha  guud ee ciidamada  Maraykanka  oo  lagu  magacaabo  General  Mark Deems waxa  ay  booqashadiisu  ka dembaysay  markii xukuumadda  Masaaridu  xabsiga u taxaabtay  ilaa sagaal iyo  toban   qof oo  u dhashay  dalka  Maraykanka,  iyagoo  ku eedeeysan  inay  lacag  siiyaan  dadka  Masaarida  ee  dibad baxyada  sameeya, lagaga  soo horjeedo  golaha  militariga.

Hase  yeeshee  maamulka  dalka  Maraykanku  waxa  dadkaasi  Maraykanka ah  ee lagu  xidhay  dalka  Masar  ku   sheegeen inay yihiin  qaar taageero  u fidiya  hay’adaha  xuquuqda  aadamaha   u halgama   ee dalka  Masar,  iyagoo intaasi ku daray  inay  saamayn wayn ku yeelan doonto xidhiidhka  iyo iskaashiga  ka dhexeeya  labada dal  haddii la siideyn  waayo  dadkaasi Maraykanka ah.

Qurbejoog-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed