|

Taliyaha Ciidamada Boolisku Muxuu ka Yidhi Xuska aasaaska Ciidamada Booliska {DHAGAYSO}

Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman, oo Maanta ka hadlayay Xuska Maalinta aasaaska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa  in qaranku ku guulaystay inuu helo Derejooyinkii uu xaqa u lahaa taas oo ah mid kor u qaadday karaamada ciidanka Somaliland iyo Haybaddoodaba, isagoo tallaabadaasna uga mahad naqay madaxweynaha iyo Ciidankaba.

Taliyaha Booliska SomalilandSidoo kale waxa uu Taliyuhu tilmaamay in Ciidanka Booliska sannadkan la  siiyey tababaro muhiim ah in ka badan 900  oo askari oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee Booliska, isagoo tibaaxay tiro badan oo wadanka Dibaddiisa tacliin muhiim ah ku soo qaatay.

Waxa kale oo uu Taliyihu tilmaamay in meelo kala duwan ciidanka looga dhisay saldhigyo iyo xarumo kale iyadoo ciidanku helay Gaadiid Tiro badan oo uu Hawlihiisa ku guto, waxana uu sheegay in sanadkan la abuuray qaybta ilaalinta cashuuraha ciidanka Booliska taas oo uu sheegay inay qayb libaax ka qaadatay ururinta cashuurta waddan.

Guji halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/FADAL3.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed