Taliyaha booliska Somalia oo shegay in cabsi darted aan loo xiro doonin wadooyinka magaalada Muqdisho.
Muqdisho May 12,2013(SDN)-Talaiye Cabdi Xakiin Dahir Saascid o ah taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin amaan dari kale oo ka soo muuqata magaalada Muqdisho.
Waxana taliyaha uu carabaabay in aysan jiri doonin in cabsi laga qabo Al-shabaab darted aan loo xiri doonin wadooyinka magaalada Muqdisho.
Taliyaha oo maalinti shalay si rasmi ah ula wareegay xilka taliyanimo ayaa tilmaamay in amaanka uu yahay talaaboyinka ugu horeeya uu wax ka qabanayo.
Hadalka taliyaha kasoo yeeray ayaa waxa ay tahay mid u farxad badan dhagaha shacabka Soomaaliya oo iyaga ku dhibana maal mihi ugu danbeyay adegsiga qaar kamid ah wadooyinka magaalada oo qaar kamid ah wadooyinka laga mamnuucay in ay BL-ka ay adegsan karaan.