|

Taliyaha Booliska Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Kala Faquuq Waji-garasho Ku Dhisan Kula Kacay Wariyaal Xarunta Golaha Wakiillada Ku Sugnaa

Hargeysa:Sep,14,2015(SDN/QJ)-Taliska Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa eex, qaraabo-kiil iyo kala doorasho cilmi-darro ka muuqato ku kala faquuqay Warbaahin shalay hawl-maalmeedkeeda shaqo kula kallahday Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland, iyadoo ay labada sarkaal ee ciidamada ugu sarreeyaa arrimahaas si toos ah ugu lug yeesheen.

fooxlInkastoo ciidamadii tirada Badnaa ee shalay ee Xarunta Golaha Wakiilladu amar guud ku haysteen inaanay wax warbaahin ahi Gudaha u gelin xarunta Golaha Wakiillada jawi adagi ka taagnaa, ayaa waxa Warbaahinta soo dhexgalay Taliyaha Ciidamada Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo ku-xigeenkiisa Cabdilaahi Liibaan Fooxle, waxana ay halkaas ka sameeyeen Ficil ay warbaahinta Dalka ku kala xulanayeen, iyadoo magac dhabay Tiro kooban, halka kuwii kalena ay halkoodii kaga dhaqaaqeen.

Taliye-ku-xigeenka Ciidamada Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa isagu si lama filaan ah Afkiisa uga dhawaaqay magacyada warbaahin kooban oo Telefishanno u badnayd, waxana uu intaas sii raaciyey in intaas oo kali ahi gudaha wakiillada geli karaan, isagoo muhiimadda siiyey Warbaahinta dibadda laga leeyahay.

Taliye Fooxle, ayaa iska indho tiray tiro badan oo wariyayaal ah, kuwaas oo Golaha hortiisa in badan meehanaabayey, isla-markaana riix-riix badan kala kulmay Ciidamadii Hubaysnaa ee Goobtaas ku sugnaa.

Intaas kuma uu joogin ee Ku-xigeenka Taliyaha Booliska Mudane Fooxle iyo Waliba Madaxa Hawlgelinta Booliska Mudane Ducaale ayaa si qarsoodi ah warbaahinta ugu soo noqnoqday, iyagoo hoos hoos ula baxayey tiro wariyayaal  ah ay waji garteen iyo qaar ay isku Hayb hoose ahaayeenba.

Fooxle iyo Ina Ducaale ayaa iska dhego tiray inay warbaahintii shalay Golaha Horjoogtay u caddaalad falaan, iyagoo indhaha ka laliyey cidkasta oo ay u gartaan inay ku dhiirran karaan baahinta Xaqiiqooyinka Xarunta Golaha ka dhacayey.

Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo warbaahintu wax ka weydiisay sababta keentay inuu warbaahinta kala xusho, ayaa jawaab aan sidaas qaan-gaadh u ahayn arrintaas ka bixiyey, isagoo qiil ka dhigtay inuu jiro amar isaga ka sarreeyaa, “Afar xarumood oo warbaahineed, ayaa  liiskeeda la iisoo gudbiyey, kuwaas ayaana gudaha galay oo aanu fasaxnay, Xagga saraana nalaga amray inaanu afartaas sii dayno.” Ayuu yidhi Taliye Fooxle oo u qiil samaynaya Kala xulashada uu kula kacay warbaahinta Dalka ka Hawlgasha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isaga laftiisu goobtaas wariyayaasha lagu kala faquuqayey joogay, Ayaan qaadin wax tallaabo ah oo arrintaas lagu joojinayo, waxana uu iska watay hawshii uu goobtaas u joogay.

Dhaqanka noocan oo kale ah ee Warbaahinta lagu kala faquuqo Ayaan lagu aqoon Xarumaha Dawladda ee kala duwan, waxase kan shalay ay taliska saree e Boolisku ku kaceen loo macnayn karaa mid ay ku beegsanayeen cid ay si gaar ah isha ugu hayeen, isla-markaana ugu hiilinayeen cid waji-garasho iyo iskaashi gaar ahi kala dhexeeyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed